Hargeysa (Somalilandpress)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaas oodada kaga qaaday, kuna kala kaxeeyay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, kuwaasoo ka gadoodsanaa Inqilaabkii shalay ay ciidamadu ku qabsadeen xarunta Golaha Barlamaanka, iyada oo maanta ciidamada Golaha ay xukuumadu soo laban-laabtay.

IMGA0687
Dhinaca kale shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaano laba dhinac ah kala ayaa kulan albaabadu u xidhan yahay ka yeeshay khilaafka ka soo dhex cusboonaaday.

IMGA0666
Ciidamo xad-dhaaf ah oo isagu jiray Booliska noocyadiisa kala duwan sidan Birmadka, USP-da iyo ciidamada Qaranka oo iyaga loogu talo-galay inay dalka ka difaacaan cadawga dibada ayaa ka dhex muuqday ciidamadii la keenay maanta Golaha Wakiillada.

IMGA0665
Dadweynaha gadoodsanaa ayaa iyagu ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah xukuumada madaxweyne Rayaale hormoodka u yahay, iyaga oo madaxweynaha kaga dalbanayay dhawaaqoodaas inuu is-casilo oo xilka isaga dago. Taasoo gayaysiisay inay in ugu dambayntii ay ciidamadu kala kaxayntooda u adeegsadaan Rasaas iyo Budhadh.

IMGA0709
Si kastaba ha ahaatee, xaalada wadanka gaar ahaan caasimada Hargeysa ayaa maalmahan u dambeeyay xaaladeeda isbedel wayni ka muuqdaa, iyada oo gidaar kasta iyo goobaha lagu kulmoba laga hadal-hayo dhacdadii Golaha Wakiilada Xildhibaanada ka tirsani ay buuqa kaga dhex abuureen iyo ficilka uu ku talaabsaday Taliyaha ciidanka Booliska Saqadhi oo isagu Golaha Wakiillada ciidamadiisa ku qulquliyay.

IMGA0685