Home Somaliland Wefti uu Hogaaminayo Gudooomiye Ku-xigeenka Baarlamanka Kiiniya oo Somaliland Soo Gaadhay

Wefti uu Hogaaminayo Gudooomiye Ku-xigeenka Baarlamanka Kiiniya oo Somaliland Soo Gaadhay

0

Hargeysa (Somalilandpress)- Wefti ka socda dalka Kenya oo ka kooban todoba xubnood, oo uu hoggaaminayo guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Maxalin, ayaa maanta ka soo degay garoonka Cigaal International lee magaalada Hargeysa.

Wefttigan, ayaa la sheegay inay ku yimaadeen martiqaad uu siiyey baarlamaanka Somaliland, islamarkaana mudada ay joogaan ay kulammo kala duwan la yeelan doonaan Goleyaasha qaranka Somaliland.

Guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa imaatinkan weftigan saaka ka sheegay kal-fadhigii Golaha Wakiillada ee saaka, isagoo sheegay in maalinta khammiista soo socota ee todobaadkan weftiga ka socda Kenya ay kullan kula yeelan doonaan Xarunta Baarlamanka.

Discover more from SomalilandCurrent.com

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading