Hargeysa (Somalilandpress)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo ah Mobaylada ku shaqaynaya Cadceeda. Madaxda laamaha kala duwan ee shirkada Telesom ayaa shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa sharaxaad kaga bixiyay adeegan cusub ee ay soo kordhiyeen.

Shirkaasi jaraa’id oo uu ugu horayn ka hadlay madaxa suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha Maxamed Isaaq Cilmi ayaa waxa uu sheegay iyada oo shirkadu ka turjumayso baahida dadweynaha reer guuraaga iyo beeraalayda oo bulshadeena ah inta ugu badan 80% ay garteen inay keeneen Mobaylo ku shaqaynaya Cadceeda oo lagaga maarmayo dabkii (Charging) oo aanay suurto-gal ahayn in meelaha ay dadka reer miyiga ahi ku nool yihiin in laga helo Laydh. Waxaana uu farta ku fiiqay in adeegani yahay mid gaar u ah shirkada Telesom ayna tahay shirkadii u horaysay ee adeegan soo kordhisa, isaga oo farta ku fiiqay inay shirkad caalami ahi dalabkan gaarka ah u samaysay.

Waxa kale oo uu iftiimiyay in aanay shirkadu faa’iido ka doonayn, balse ay adeegan maanta daaha ka rogtay si ay uga farxiso oo bulshada reer guuraaga ah si ay adeegyada shirkadani ka fuliso wadanka loogu wada raaxaysto isticmaalkeeda miyi iyo magaalaba.
Madaxa Horumarinta Gobollada ee shirkada Telesom Faarax Sugaal ayaa isagu bandhiga adeegan casriga ah ka hadlay isaga oo tilmaamay in shirkada ay ku keliftay inay adeegan oo ku kacay lacag qadarkeedu badan yahay keento ka dib markii bulshada ku dhaqan Miyiga oo ah 80% ay cabasho mug leh ka muujiyeen dabaynta Mobile-lada oo ay dhibaato badani kala kulmi jirtay, iyaga oo magaalooyinka u soo diri jiray si loogu soo dabeeyo, ka dibna baabuurto mudo kala maqnaan jirtay, taasina ay adeegsigooda isgaadhsiineed dhibaato ku ahayd.

Waxa uu tilmaamay inay fursad dahabi iyo hadyad gaar ah oo ay Telesom u soo kordhisay yahay adeega Mobayladan ku shaqaynaya tamarta Cadceeda. Waxa kale oo isna kulankaasi ka hadlay ku xigeenka Injineerka guud ee shirkada Telesom Maxamed Cali oo faahfaahin ka bixiyay qaabka ugu sahlan ee Mobayladan loo isticmaalayo. Maaha markii u horaysay ee adeeg aan hore loogu maqal wadamada Geeska Afrika ay soo kordhiso shirkada Telesom, waxaana xusid mudan in sanadkii tegay ee 2009, lagu xusuusto shirkada Telesom adeega wax lagu kala iibsado ee hana qaaday Zaad Service.

Shirkada Telesom adeegyada ay bixiso ayaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ee wasiirka Arrimaha Dibada ee Qarada Afrika, barnaamijkii Isgaadhsiinta ee Qaarada lagu xusay in Afrika laga hirgeliyo adeegyada SMS-ka, adeegyada wax lagu kala iibsado Telefoonka iyo kuwo kale oo ay Telesom ka hir-gelisay wadanka aan weli ictiraafka helin ee Somaliland.