Hargeysa (Somalilandpress)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo saaray go’aan ka kooban 3 qodob oo ay u arkeen inuu xal u noqon karo soo afjarida khilaafaadka siyaasadeed ee wadanka iyo doorka uu ka qaadanayo Golahaasi.

Saddexdaas qodob oo sidan u dhignaa: –

1. waxaanu mar labaad ayidaynaa go’aankii golahu ansixiyey, dhex dhexaadna noqono sida ku cad go’aanka lamrkiisu yahay GG/JSL/Go’aan-04/08/2008 kuna taakiikhaysan 18/98/2009 ee ka koobnaa 7 qodob.

2. si dhexdhexaadinmaa golaha guuritdu uu xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu ka mid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka.

3. in goluhu isagoo dhinaca maslaxad guud ka eegaysa, wuxuu anssixinayaa wixii xal ah ee ay ku soo heshiyaan sadddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayo muranka siyaasiga ee dalka ka tasgan.

Hadii ay ku heshiin waayaan goluhu wuxuu ku hawl geliyaa wajibaadkiisa dastuuriga ah.

Sidaa darteed marka qodobada kor u ku xusan la helo ayaa goluhu u gudbi karaa wajihi karaana wixii khilaafaad ah ee jira, doorkiisana ka qaadan karaa.

Magacayda mudanayaasha:

1. mudan axmed dirir cali 

2. c/raxmaan axmed aaraaye

3. cabdilaahi ibraahim xirsi

4. X. cabdikarin xuseen yuusuf (Cabdi waraabe)

5. maxamed jaamaac abokor

6. muxumed aw. Axmed X. Aadan

7. Cabdisalaan Maxamed siciid

8. Aadan shire faarax

9. cabdiqadir aw xuseen mire

10. axmed muuse obsiiye

11. sahal iidle dirir

12. cabdiqaadir maxamed xassan

13. jaamac faarax axmed

14. nuur riyaale kheyre

15. Sh Maxamuud xirisi faarax

16. Xirsi Ciise Jaamac

17. Yuusuf Cabdilaahi Cawaale

18. C/raxmaan Sh Yusuf Sh Madar

19. C/rashiid Sh cabdilaahi aadan 2

0. Max’ed Maxamuud Yaaasin

21. Saleebaan Garas Seed 2

2. Axmed Daahir Jirde